Agaasimaha guud ee madaxtooyadda Puntland Mudane Deeq Sulaymaan Yuusuf ayaa beeniyay war laga faafiyay oo ahayd in Wareegto kasoo baxday xafiiskiisa uu Madaxwayne Gaas ku magacaabay Agaasimaha guud ee wasarada Amniga iyo DDR-ta, warkaasi oo sheegay inuu yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn.
Agaasimaha Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan dadkii ka danbeeyay wareegtada la been abuuray. “Warqada Digteerada been abuurka waxaa la saaray saxiix iyo shaabad been abuur ah oo lagu lee yahay waa mida madaxwayne Gaas” ayuu yiri Deeq Suleymaan oo caddeeyay in Digreetadaas ay been abuur tahay, oo aysan ka soo bixin xafiiskiisa
Waxaa maalmahan jahawareer dhaliyay xil ka qaadis lagu sameeyay agaasimaha guud ee wasaaradda amniga Puntland, iyadoo aanay kala caddeyn sida wax u dhaceen, ayaa beeninta agaasimaha guud soo saaray maanta ay xaalada uga sii dareysaa isagoo aan wax caddeyn ah bixin oo ka baxsan inay been abuur tahay wareegtada la faafiyay.
Hoos ka akhri wareegtada la sheegay inay been abuur ahayd
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]