Friday, July 11, 2025

Wargeys kashifay Liis madax ka tirsan dowladda Somalia & Qaraabada Madaxweyne Farmaajo oo laga mamnuucayo Kenya.

Warbixin uu maanta qoray wargeysa Standardmedia ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa lagu sheegay inuu jiro liis aan la shaacin oo dowladda Kenya ay diyaarsiya kaasoo lagu qoray siyaasiyiin iyo mas’uuliuyiin Soomaali ah oo laga mamnuucayo dalka Kenya.

Liiskan oo Wargeysku sheegay inuu jiritaankiisa ka helay ilo qarsoodi ah ayuu sheegay inay ka mid yihiin; Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaanno, Ganacsatadaha shirkadaha waaweyn ee Somalia, xubno heysta dhalashada Kenya oo qaraabo la ah Madaxweyne Farmaajo, Agaasime ku xigeenka hay’adda NISA iyo Ra’iisal wasaare hore oo aan la magacaabin.

Liiskan ayaa magacyada ku qoran ay gaarayaan 66 qof sida uu qoray wargeyska, wuxuuna qeyb ka yahay cadaadiska ay dowladda Kenya saareyso Soomaaliya, taasoo salka ku heysa dacwadda Badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya.

Kenya ayaa dhowaan dalkeeda kasoo celisay xubno uu ka mid yahy wasiir ku xigeen, kadib markii ay u diiday fiiso, waxayna diyaaradaha ka taga Muqdisho ku soo rogtay amar ah inay sii maraan garoonka Wajeer.

Lama oga xaqiiqada jiritanka liiska, waxaana wargeysyada Kenya ay dhowaanahan qorayeen warar fara badan oo ku saabsan Somalia oo qeyb ka ah olole warbaahineed oo Kenya kula dagaameyso Somalia.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON