Monday, June 23, 2025

Warshad Isbuunyo Caan oo Dab xoog leh qabsaday & Gurmad ka socda Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xarunta weyn ee Warshada Isbuunyada Mubaarak uu dab qabsaday.

Warshadda ayaa la sheegay inuu qabsaday Dab xoog leh oo gebi ahaan baab’iyey Warshada, isagoo dabku gaaray xarumo Dugsiyo Waxbarasho oo ku dhowaa Warshadda, waxayna dadka degaanka sheegeen in qasaare baaxad leh uu gaaray Warshadda.

Dabka ayaa weli socda, waxaana la tacaalaya Gaadiidka Dab damiska, iyadoo ay ciidamada ammaanka xireen aagga, waana markii labaad ee xarunta Warshadda Isbuunyada Mubaarak oo dab baabi’iyo.

Ad

Xarunta wey ee Warshada Isbuunyada Mubaarak ayaa ku taalla degmada Heliwaa, agagaarka Warshadii hore ee Baastada Muqdisho, waxaana u dhow guryo degaan ah iyo laba dugsi waxbasho.

April, 2013 ayay ahayd markii dab ka dhex qarxay Warshada Isbuunyada Mubaarak oo gebi ahaan baabi’iyey xarunta ugu weyn Warshadda oo ay ku bas beeleen qalab iyo hanti wixii dhex yiilay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON