Tuesday, June 24, 2025

Wasaarada Boostada & Isgaarsiinta oo Dib u furtay Machadkii Isgaarsiinta Qaranka [Sawirro]

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa dib u howlgelisay Machadka Tababarka Isgaarsiinta Qaranka oo hoos tegi jiray Wasaaradda, kuna burburay dagaaladii sokeeye.

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Machadka uu wax weyn ka qaban doono sidii loo soo saari lahaa xirfadlayaal dhinaca teknoolojiyada ah, ayna isku tashadeen, isla markaana qalabeyn iyo dayactirka ku sameyeen oo lala kaashaday bahda waxbarashada.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo si rasmi ah dib  furay Mac-hadka ayaa  bogadiyay dib u soo nooleynta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, isagoo sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu u baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda.

Ra’iisul wasaaraha ku baaqay in dadka loo jiheeyo dhinaca teknoolojiyada. “Dhaqaalaheena ma horumari karo haddii aan la helin shaqaale xirfad leh”, ayuuna yiri.

Machadka oo la aasaasay sanadkii 1976-dii waxaa dhinaca qalabka iyo tababarrada ka caawin jiray Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), hase yeeshee waxay hawlihiisi joogsadeen sanadkii 1991-kii. Hase yeeshee, tan iyo sanadkii 2011-kii waxaa la isku dayay in dib loo kiciyo Machadka, waxaase caqabad ka haysatay sidii loo heli lahaa qalabkii farsamada isgaarsiinta iyo teknoolojiyada ee lagu tababaran lahaa, taas oo haatan la xalliyay.

Machadka ayaa haatan lagu diyaariyay sheybaarro computer iyo cisco ah (computer and Cisco labs), waxayna ardeydu ku tababaran karaan internetka Dawladda, dotSO oo laga baranayo sida loo maamulo website-yada, Xarunta Isku-xirka Internetka (Internet Exchange Point), kuwaasoo ay Wasaaradda hirgelisay lixdii bilood ee u dambeysay, iyadoo hawlahaasi ay Wasaaradda kala shaqeyn doonto Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON