Wednesday, June 25, 2025

Wasaaradaha Dastuurka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada oo Muqdisho ku shiray [Sawirro]

Shirkii labaad ee Wasaraadaha Dastuurka dowladda Federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa lagu gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirka oo socday muddo labo maalmood ah ayaa diirada lagu saaray xoojinta wadashaqeynta maamulada dalka iyo u diyaar garowga shirweyne Qaran ah oo bisha October ay qabaneyso Wasaaradda Dastuurka, kaasoo lagu daahfurayo ololaha dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo shirka furay ayaa sheegay in Wasaaradda oo kaashaneysa Wasaaradaha Dowlad goboleedyada ay xoogga saareyso in lagu guuleyso dib u eegista Dastuurka.

“Maanta wixii ka dambeeya, gaar ahaan bisha October wadahadalka dastuuriga ah, waxaan qabanqaabineynaa shirweyne Qaran oo ku saabsan arrimaha dastuurka” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Wasiirada Dastuurka Galmudug, Puntuland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka Jubbaland ayaa bogaadiyay dadaalada Wasaaradda Dastuurka Somaaliya ay ugu jirto qabyo tirka Dastuurka, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Wasaaradda.

Wasaaradda arrimaha dastuurka Somaaliya ayaa mudooyinkii dambe waday wada tashiyo la xiriira sida loo wajahayo dib u eegista Dastuurka, iyadoo Wasaaraddu horey u sheegtay  in muddo labo sanno ah, ku soo gaba gabeyn doonto ololaha qabyo tirka Dastuurka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON