Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shegtay in weerarrada qaraxyada iyo khaarijinta laga soo abaabulo xaafado ka tirsan caasimadda Muqdisho.
Afayeenka wasaaradda amniga Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahim (C/casiis Xildhibaan) ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dhibaatada amni ee ka jirta caasimadda laga abaabulo iska gudaha magaalada, dadkuna ay ka hortegi karaan haddii ay la shaqeeyaan ciidamada amniga.
Dhinaca kale afhayeenak ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay cafis u sameyn doonto Siyaasiin mucaarad ah oo Dowladda ka soo horjeeda, haddii ay ka tanaasulaan falalka qaska iyo xasilooni darrada ah ee ay wadaan.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay mas’uuliyiinta Amniga ee Hay’adaha Dowladda isku afgarteen in la siiyo cafis siyaasiin mucaarad ah oo Dowladda ka soo horjeeda, haddii ay mar dambe u laabtaan falal la xariira qaran Dumis-nimo ay Dowladda talaabo ka qaadi doonto.
Sidoo kale wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin cid ka sareysa sharciga, sidaas darteedna ay Dowladda sharciga la tiigsan doonto dadka ku mashquulsan Duminta Dowladda. Ma cadda cafiska wasaaradda Amniga sheegtay nooca uu yahay iyo cidda dembiyada loo heysto ee la cafinayo midna.