Monday, June 23, 2025

Wasaaradda Amniga oo soo bandhigtay Rag daabacay Waraaqo Digniin ah oo Alshabaab soo saartay [Sawirro]

Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Booliska ayaa maanta soo bandhigay saddex qof oo daabacay waraaqo digniin ah oo lagu daadiyay magaalada Muqdisho.

Waxaa goobta la keenay dadkan oo daabaca dokumentiyada iyo waraaqaha been abuurka ah iyo agabkii ay ku howlgeli jireen, iyagoo daabici jiray dokumentiyada wata magacyada Hay’adda Dembi baarista, Dokumentiyada Dowladda hoose, kuwa Al-shabaab digniinta ku dirto iyo dokumentiyo kale oo been abuur ah.

Waxaa la sheegay in dadkan laga soo qabtay xarun ay ku lahaayeen degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho, waxaana la soo bandhigay dokumentiyo been abuur ah oo ay daabaceen iyadoo ku shaqeyn jiray Madbacad lagu magacaabo INNAA FATAX.

Ad

Qoraaladda ay daabaceen waxaa ka mida qoraal Alshabaab ku saxiixneyd oo dhalinyaradda Muqdisho looga digay inay shaqo u raadsadaan mashruuca shaqaaleynta Gobolka Banaadir.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Guddoomiyaha Gobolka Taabit Cabdi  Axmed iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa goobjoog ka ahaa goobtii lagu soo bandhigay raggan iyo qalabkooda, waxaana la sheegay in maxkamad la soo taagi doono

SAWIRRO

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON