Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay dilkii Guddoomiyaha Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.
Wasiiru Dowlaha wsaaradda Aminga Gudaha Farxaan Cali oo ka hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in la xiray saraakiisha iyo ciidamadii dilka ku lug lahaa, sharcigana la horgeyn doono, isagoo dadweynaha ka codsaday inay is dejiyaan oo looga faa’iideysan arrintan.
“Waa wax laga naxo in ciidamadeenii uu gacantooda ku baxay, waxaan caddeynayaa in saraakiishii iyo ciidamadii ku lug lahaa dilka Guddoomiyaha degmada Hodon C/xakiin C/raxmaan Ciise in gacanta lagu dhiay oo baaritaan ay CID-da u joogan, ciddii ku lug yeelatana sharciga la hor geyn doono..” ayuu yiri Wasiiru dowlaha amniga.
