Wasaaradda Arrimaha Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo kale oo ay culeys ku saareyso Dowladda Somalia, kadib markii ay Somaliland ku tilmaantay dal uu xiriir kala dhaxeeyo.
Qoraal la soo dhiga barta Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay kulan dhex maray xoghayaha joogtada ah ee wasaaradaasi Macharia Kamau iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi, waxaana qoraalka lagu caddeeyay in labada DAL ay ay ka wadahadleen xiirirka u dhaxeeya.
Qoraalka ayaa u qornaa “Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Mr Kamau ayaa galabta wadahadalo la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamed, waxayna labada ka wadahadleen danaha wadaagga ah ee labada DAL iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga”.
Soomaali badan ayaa qoraalkan ka falcelisay, waxaana dood dhex martay taageerayaasha Somaliland iyo Soomaalida kale, waxaana arrintan la weydiiyey Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya Monica Juma oo sheegtay in mowqifkooda ku aadan Somaliland uu yahay kan Midowga Afrika.
Monica Juma ayaa Somaliland ku tilmaantay dal ku socda inuu noqdo mid madax bannaan oo dano badan ay ka leeyihiin, lana macaamilayaan ka hor inta aysan dal, iyadoo la mid dhigtay sida Suudaanta Koonfureed oo Kenya ay wakiilo u joogeen.


