Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Masar ayaa si weyn loogu dhaliilay hadalkii kasoo yeeray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee ku saabsanaa in haddii lagu qasbo dagaal uu malaayiin oo Itoobiyaan ah u diyaarin doono difaaca Biyo xireenka muranka kala dhaxeeyo dalka Masar.
Wasaaradda arimaha dibadda Masar ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay, ayna tahay wax lala yaabo oo aan la fileyn hadalka noocan oo kale ah ee colaadeed inuu kasoo yeeray Abiy Ahmed oo dhowaan ku guuleystay bilada Nabadda caalamiga ah ee Nobel-ka, ayna tahay wax aana la aqbali karin in wahadallada Itoobiya iyo Masar ee biyo xireenka loo weeciyo iska hor imaad iyo inuu dagaal ku baaqo.
Dowladda Masar ayaa shaacisay inay Mareykanka ka heshay farriin ku saabsan martiqaad shir dalka Mareykanka ku dhex mara Wasiirada Arrimaha dibadda Masar, Itoobiya iyo Sudan si looga wadahadalo dib u bilaabidda wadahadalka biyo xireen ee hakaday.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shalay u sheegay Baarlamaanka dalkiisa inaysan jirin cid Itoobiya ka hor istaagi karta dhismaha iyo ka shaqeysiinta biyo xireenkooda weyn, isla markaana ay diyaar u yihiin malaayiin qof oo difaacaya.