Wednesday, June 25, 2025

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo baafineysa magaca iyo calanka maamulka cusub ee Hiiraan & Sh-Dhexe

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ku howlan maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa raadineysa magaca iyo calan uu yeesho maamulka cusub.

Wasaaradda ayaas oo saartay farriin ay u jeedisay shacabka iyadoo ka codsatay inay talo kasoo bixiyaan  magaca iyo astaan calanka uu yeelanayo maamulka cusub. 

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed ka codsaneysaa inay u soo gudbiyaan Magaca iyo Astaan Calameedka idin kula haboon in ay yeelato dowlad goboleedka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe”ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Arrintan ayaa ah mid ku cusub nidaamka maamul sameynta maamulada dalka iyadoo arrimaha ku saabsan calanka iyo astaanta maamulada ay go’aan ka gaari jireen ergada gobollada maamulka dhisanaya.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON