Friday, July 11, 2025

Wasaaradda Caafimaadka oo bixisay Qandaraas uu hortaagnaa Xasan Kheyre (Covid-19 oo Ganacsi loo bedelay)

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda xilka sii heysa ayaa bixisay qandaraasyo laga ganacsanayo xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka 17 Ogost ayaa lagu shaaciyey in afar shirkado cusub iyo Isbitaal ku yaalla Muqdisho la siiyey ogolaansho ay ka ganacsan karaan baaritaanka Cudurka Covid-19, iyadoo halkii qof ka qaadaya lacag dhan $30, siiba dadka dhoofaya, waxayna arrintan timid iyadoo ay wasaaradda hore u diiday intii aanay dhicin xukuumadii hore. (Akhriso Warkan)

In baaritaanka dadka dhoofaya loo bedelo ganacsi ayaa la sheegay inuu hore u diiday Ra’iisal wasaarihii is-casilay Xasan Cali Kheyre, iyadoo dalka uu gargaar ku helay deeq badan oo qalab caafimaad iyo daawo isugu jira iyo caafimaad iyo kaalmo lacageed oo dunida ka timid oo Soomaaliya loo siiyey la-talaacidda cudurka Coronavirus.

Xilliga Wasaaradda Caafimaadka ay bixisay Qandaraasyadan ayaa ahayd iyadoo xukuumadda xilka sii heysa aysan awood u lahayn inay heshiisyo gasho, waxaana mid ka mida tallaabooyinka boobsiiska ah ee dhacay xilligan kala guurka ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA QANDARAASYADA LAGU BIXIYAY

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON