Sunday, August 3, 2025

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay Dad cusub oo laga helay cudurka Coronavirus & Faahfaahin laga helay

Wasiirka Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abuukar Nuur ayaa caawa shaacisay kiisas kale oo cudurka Coronavirus ah oo laga helay dad ku nool magaalada Muqdisho.

Wasiiradda ayaa sheegtay in 4 qof oo kale laga helay cudurka Covid-19, iyadoo aan faahfaahin ka bixin, waxayna intaas ku dartay in kiisaska guud ay hadda gaareen 25, islaa markaana waxay xaqiijisay geerida xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabelle oo maanta xilli hore la shaaciyey.

Afarta qof ee wasiirka caafimaadka ay caawa shaacisay ayaa natiijadooda ay shalay soo baxday iyadoo dib loo dhigay xalay oo lagu waday in la shaaciyo arrimo aan la garan dartood, waxaya u badan yihiin dad xiriir la yeeshay Bukaankii cudurka u geeriyooday.

Wararka la helay ayaa sheegaya in afarta qof ay ka mid yihiin dhaqatar ka howlgal Isbitaalka Aadan Cadde, wiil uu dhalay bukaankii koowaad ee cudurka u geeriyooday iyo xubno ka mida qaraabada qoyskaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON