Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay cabsida laga muujiyey Cudurka halista ah ee Ebola oo la sheegay inuu soo gaaray dalka Uganda.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshadda u xaqiijisay in aysan jirin hadda Khatar ka taagan Soomaaliya oo ku saabsan cudurka Ebola, waxaana sidoo kale sheegtay in heegan Sare ay galisay Shaqaallaha Caafimaadk, ayna isha ku heyso xaaladda cudurkan oo ay la kaashaneyso Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
