Saturday, July 12, 2025

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo dib ula wareegtay deeq ay wasaarad kale ka heystay muddo 3 bilood ah

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka ayaa maanta dib ula wareegtay deeq dawo ah oo dowladda Sacuudiga ugu deeqday Soomaaliya, deeqdaas oo dalka soo gaartay horaantii Janaayo waxaa madaxtooyada Soomaaliya ay si khalad ah ugu gacan gelisay wasaaradda arrimaha gudaha iyadoo markaas lagala cararay wasiirkii hore ee caafimaadka oo la safnaa Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Deeqda dawada ah ayaa ka kooban in ka badan 400 tan ayaa isugu jirta qalab iyo shixnado dawo ah, waxaana hore ay halis u gashay inay ku dhacdo gacmo ganacsato, laakiin wararka ayaa sheegaya in cadaadis badan iyo dood kadib dib loogu wareejiyay wasaaradda caafimaadka iyo madaxdeeda cusub. Lama oga in deeqdaasi ay dhan tahay iyo in qaar ka mida la gacan bidixeeyay laakiin Goobjooge.com ayaa hore uga digtay in deeqdaasi ay qarka u saaran tahay in la leexsado kadib markii kooxo kala duwan loo xil saaray oo madaxtooyadu gacan ku yeelatay.

deeq daawo

[ad name=”HTML-3″]

  1. Akhri maqaalkii ugu horeeyay ee arrinta daawadan ka qortay Goobjooge.com 

  2. Akhri qormadii dokumentiyada daawadan ee Goobjooge.com shaacisay

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Ismaaciil Jimcaale ayaa deeqda daawada ah ku wareejiyay mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka, waxaana hadda  la sugayaa sida wasaaradda caafimaadka daawadaasi u qeybin doonto iyadoo muddo dheer ay macno la’aan u xayirned iyadoo baahi weyn looga qabo Muqdisho iyo goboladda dalka.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON