Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa si taxadar leh oo farsmeysan uga jawaabtay warkii dhowaan kasoo yeeray wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye oo shegay in dowladda Soomaaliya qof kasta oo geeriyooda ay u aqoonsan tahay inuu u dhintay cudurka Coronavirus.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Maxamed Saciid Cabdullaahi oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in warbixinadii kasoo baxa wasaaradda caafimaadka ay yihiin kuwo cilmi ku dhisan, kuna yimid baaritaan ay sameysay wasaaraddu, wixii intaas kasoo harana aysan caddeyn karin.
“Anagu warbixinadii aan baahinn waa kuwo ku yimid baaritaano aan sameynay, xaqiiqda dhimashada cudurkaasna waa tiradii aan shaacinay, laakiin waxaan leenahay, waxa la sheegayo waa inay cilmi ku dhisnaadaan oo baaritaan ku cadaadaan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka caafimaadka Maxamed Saciid Cabdullaahi oo la weydiiyey warkii uu baahiyey Wasiir Maareeye, isagoo aan soo hadal qaadin wasiirka.
Cudurka Coronavirus ayaa noqday howsha kaliya ee ay xilligan ku mashquulsan tahay dowladda Soomaaliya.