Friday, June 27, 2025

Wasaaradda Difaaca Itoobiya oo War kasoo saartay Xaaladda Jigjiga & Ciidamada oo ku hareereysan Cabdi Iley

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka  Itoobiya ayaa war kasoo saartay xaaladda ka taagan magaalada Jigjiga ee is-maamulka Soomaalida oo falal amni darro iyo bililiqo ah ay ka dhaceen.

Warka Wasaaradda Difaaca Itoobiya ayaa lagu sheegay inay qaadeyso tallaabo kasta oo xaaladda magaalada Jigjiga loogu soo celinayo kala dambeyntii iyo nidaamkii ka jiray, iyadoo ciidamada degaanka ay uga sii darayaan xaaladda.

Wasaaradda waxay ka digtay inay adeegsan doono awood kasta oo sharciga u saamaxayo sidii ay u joojin lahayd qaska iyo fowdada ka jirta magaalada xarunta u ah maamulka degaanka Soomaalida Itoobiya.

Warkan oo laga sii daayey telefishanka dalkaasi ayaa lagu caddeeyay in ciidamada difaaca Itoobiya ay si dhow ula socdaan xaaladda magaalada Jigjiga, isla markaana aysan u dul qaadan doonin falalka amni darrada ah ee ka socda.

Dhinaca kale u qoray wargayska Addis Standard, ciidamada militariga Itoobiya ayaa la sheegay inay ku hareereysan yihiin madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Ma cadda sax ahaanshaha warka Wargeyska oo sheegaya in  ciidamada labadii saac ee ugu dambeeyay ay ku harrereysnaayeen madaxtooyada magaalada Jigjiga, halkaasoo aan xaqiijin inuu ku jiro Cabi Iley.

Wararka qaar ayaa sheegay in ciidamada aan weli lagu amrin inay gacanta ku soo dhigaan madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, iyadoo laga sugayo amar federaal oo ay suuragal tahay in qabashadiisa sabab looga dhigo hortag dhiig kale oo ku daata halkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON