Sunday, July 13, 2025

Wasaaradda Diinta dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay Beri tahay Ramadaan

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Berito ay tahay maalintii ugu danbeysay ee Bisha Ramadaan.

Guddi ka kooban dowladda Soomaaliya iyo Culimaa’udiin oo caawa ku howlanaa raadinta dhalashada Bisha Soonfur (Shawaal), ayaa xarunta warbaahinta dowladda uga dhawaaqay goor dhoweyd in Berri ay tahay Maalinka 30-aad ee Bisha Ramadaan.

Guddigu wuxuu sheegay in Soomaaliya oo dhan laga waayay meel laga arkay bilashada Bisha Shawaal, sidaas darteedna ay  tahay in la dhameystiro Sodonka bisha Ramadaan.

Xoghayaha Wasaaradda Owqaafta Sheekh Maxamed Kheyrow Aadan ayaa shaaciyay  in ay xiriiro la sameeyeen Gobollada dalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo dhalashada Bisha Shawaal, dalse aanay jirin meel Soomaaliya ka mida  oo Bisha lagu Arkay, ayna go’aamiyeen in Arbacadda ay tahay maalinta koowaad ee ciidul fitriga.

Goobjooge.com 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON