Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa amarro ku soo rogtay shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgal dalka.
Kulan xarunta Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya ku dhex maray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Madaxda Shirkadaha Diyaaradaha ayuu lagu shaaciyey amarrada ay Wasaaradu soo saartay oo la sheegay inay jawaab u ahaayeen Cabashooyin ka yimid dadweynaha rakaabka ah ee raaca diyaaradaha dalka ka howlgala.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) ayaa ka hadlay amarrada lagu soo rogay Shirkadaha Diyaaradaha si loogu jawaabo cabashooyinka ka yimid diyaaradaha duulimaadka gudaha dalka ka sameeya duulimaadyada.
HOOS KA AKHRISO GO’AANADDA
1 Rakaabka Diyaaradaha waddanka gudihiisa ama dibadiisa aadayo Garoonka waa inay soo galaan saddax saac ka hor inta aanay diyaarada kicin.
2 Rakaabka lama soo galin karo garoonka mudda ka badan saddex saacadood inta aanay diyaarada kicin.
3 Diyaarad rakaabkii sugayay oo garoonka joogo lagama kireyn karo qolo kale, iyadoo laga tegayo rakaabkii diyaarada oo ku sugan gudaha garoonka.
4 Dhammaan diyaaradaha waxaa la faraya inay soo gudbiyaan jadwalkooda duulimaadyada ee bille ah.
Wasiir Oomaar ayaa intaa ku daray in la ganaaxi doono shirkadii ka xadgudubto Go’aanada Wasaarada ee lagu ilaalinay xaquuqda dadweynaha.