Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin kasoo saartay hwolgalka ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ku qaadi doonaan Alshabaab.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay uga digeyso ciidamada wada jira inay ku dhaqaaqaan askareynta Carruurta da’doodu ka yartahay 18- sano jirka iyo inay ku dhaqaaqaan boobka hantida shacabka degaanada laga saaro Alshabaab inta uu socdo howlgalka.
Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga Prof. Sokor Jaamac Geyre inuu ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay ilaaliyaan qorshaha dowladda u dhigtay dagaalka lagu qaadayo Al-shabaab.
“Waxaa Khatar badan ka dhalan kartaa Askareynta caruurta ka yar 18-jirka meelaha ay ciidamaddda dowladda gaaraan, waxaa kaloo ka digeynaa in ciidanku boob u geystaan dadka ay ugu tagaan goobaha Caddowga laga sifeynayo” ayuu yiri agaasime Sokor oo warkiisa ku soo beegay xilli la filayo in dagaal lagu qaado Alshabaab.
“Dagaalka Shabaab wuu bilowday, Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM durba waxay la wareegeen degaano dhowr ah, Ciidamada waxaan ugu baaqayaa in ay wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, Madaxda dalka ayaa dhiiragelinaya Ciidamada Qaranka.” Ayuu yiri Sokor.
DHAGEYSO