Tuesday, June 24, 2025

Wasaaradda Gaashaandhigga oo War kasoo saartay Ciidamada ay tababarto Imaaraadka Carabta & Mushaarkooda [Akhriso]

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay ciidamada ay tababarraan Imaaraadka Carabta iyo xaaladda mushaarkooda.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ee ay tababarreen Imaaraadka ay dowladdu la wareegi doonto maalmaha soo socda, mushaarkooduna ay bixin doonto.

Wasiirka ayaa caddeeyay in ciidamada Imaaraadka tababarka ay siiyaan ay ka tirsan Xoogga dalka Somaliya oo hoostagga Wasaaradda Gaashaandhigga, ayna qorsheynayaan in ciidamadaasi inay dowladdu la wareegto 12-ka April oo ku beegan sanadguurada asaaska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

“Ciidamada la tababarray sida ciidanka lagu tababaro Xerada Jeneraal Gordan Imaaraadka ay tababareen, waa ciidan ka tirsan Xoogga dalka Somaliya, ciidankaasi lambaradooda ayaa la siin doonaa, mushaarkoodana dowladda Somaliya ayaa siin doonta, dowladda Somaliya xil ayaa ka saaran ciidanka, Mushaarka Imaaraadka ay bixinayeen waqti ayuu ku ekaa, waqtigiina wuu dhamaaday.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Warka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka danbeeyay muranka diblomaasiyadeed ee ka taaga, isagoo u  mahad celiyey tageeradii Imaaraadka ay ka siyeen ciidamada milateriga iyo tababarka ay siiyaan ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON