Tuesday, June 24, 2025

Wasaaradda Maaliyadda oo mushaar la’aan ka dhigtay xildhibaanada Aqalka Sare (Akhri sababta)

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa la sheegay inay mushaar xuquuq la’aan noqon doonaan saddexda bilood ee ugu horeeya sanadkan 2017.

Sida laga soo xigtay Wasiirka maaliyada xukuumadda Soomaaliya xildhibaanada aqalka sare ayaan heli doonin mushaarka iyo gunada seddexda bilood ee ugu horeysa sanadka 2017, taasoo ay ugu wacan tahay inaysan ku jirin miisaaniyadda saddex biloodlaha ah ee hore loo diyaariyay.

Wasiirka sii haya xilka Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa ku dooday in miisaaniyadda la dejiyay sanadkii lasoo dhaafay aysan ka mid ahayn mushaarka xildhibaanada aqalka sare, waxaana laga cabsi qabaa in baarlamaanka cusub dib u celiyo si loogu soo daro mushaarka xubnaha Aqalka Sare.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON