Shir looga hadlayay dhaqaalaha iyo mideynta canshuuraha guud ee dalka ayaa magaalada Garowe ugu soo gabagaboobay wasaaradaha maaliyadda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.
Shirka waxaa guddoominayay Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, waxaana ka qeyb galay Wasiirada Maaliyadaha dowlad gobaleedyada dalka ka jira iyo Masuuliyiin la socotay.
Gaba gabada kulanka ayaa hadalo kooban waxaa ka jeediyay Wasiirada Maaliyadda Dowlad gobaleedyada, iyagoo ka hadlay faa’iidada ay leedahay isku xirnaanta Maamulada iyo Dowlada dhexe ee dhanka dhaqaalaha iyo in la wadaago kheyraadka guud ee Dalka iyo deeqaha Dibadda ay ka hesho Dowladda Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa soo xiray Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale beyle, isagoo sheegay in qodobo dhowr ah laga soo saaray kulankii ay ku yeesheen Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, waxaana uu xusay in heshiis guud laga qaatay in si siman loo qaado canshuuraha ay qaadaan Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada.
Canshuuraha sida isku midka ah loo qaadayo ee lagu heshiiyay waxaa kamida: Canshuurka Qaadka, Sigaarka iyo duulimaadka caalamiga ah. Shirka soo socda ayaa lagu qabanayaa magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland.