Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in shaqadii ay u xil saarneyd uu la wareegay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada C/casiis saalax Carmaan ayaa sheegay in Ra’iisal wasaarihii dalka uu hayo shaqadii wasaaradiisa, lana arkayo isagoo shaqaalaha kormeeraya oo ku daba jira.
“Ra’iisal wasaarihii dhammaa ee dalka ayaad arkeysaa isagoo wasaaradaha tegaya, shaqaalihii wareysanaya, dabajoog ku haya, waxayna ahayd howshii wasaaradu qaban lahayd…” ayuu yiri wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha.
Wuxuu intaas ku daray in Wasaaradaha dowladda ay ka shaqeeyaan dad aan aqoon lahayn oo qaarkood aan magacooda qori karin, loona baahan yahay in la iska kaashado sidii loo sixi lahaa.
Goobjooge