Thursday, July 3, 2025

Wasaaradda Warfaafinta Galmudug oo ka hor timid Go’aankii Madaxtooyada ee Xayiraada Saxafiyiinta

Wasaaradda Warfaafinta Galmudug ayaa ka hor timid oo sharci darro ku tilmaantay Amar madaxtooyada maamulkaasi ku soo rogtay saxafiyiinta ka howlgala magaalada Cadaado.

Qoraal kasoo baxay wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Galmudug C/raxmaan Jaamac Afrax  ayaa lagu sheegay in aan la caburin Warbaahinta madaxa banaan laguna khasbin Fikiro siyaasadeed oo guracan.

Qoraalka Wasaarada Warfaafinta waxaa lagu yiri dadka soo saaray amarka weriyayasha lagu caburinayo waxaan farayna in ay faraha kala baxaan shaqada Warfaafinta haddii kale sharci lala tiigsan doono, Weriyayaashana waxa ay Wasaaradu ku baraarujisay in ay iska ilaaliyaan wixii xasiloonida wax u dhimaya.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug ayaa taabacsan Madaxweyne Xaaf, halka ku xigeenkiisa uu ka mid yahay xubnaha ku kacsan, waxayna arrintan  salka ku heysaa khilaafka ka taagan madaxda Galmudug.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON