Maxkamada Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal, maamulka Puntland ayaa maanta soo gaba gabaysay dacwadii u dhaxeysay Idaacadda madaxa bannaan ee Sahan iyo Wasaarada warfaafinta Puntland, iyadoo dacwadaasi ay Idaacada ku soo oogeen maamulka Puntland oo uu wakiil ka ahaa Ku- xigeenka Xeer ilaaliyaha Puntland Maxamed Xareed.
Idaacadda Sahan ayaa lagu haystay inay daabacday war ku saabsan qabashada xaflada 1-da Agost oo ay ku dhaleeceysay maamulka C/weli Gaas inuu ka gabiyay. Dacwadan oo ahayd tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo dalka ka dhacda ayaa soo taagneyd laba todobaad.
Maxkamadu ku dhawaaqay inay Idaacadda Sahan wax dembi ah gelin ayna soo bandhigtay fekerkooda taasoo uu ogolaanayo Dastuurka Puntland, Garsooraha maxkamada Cabdiqani Mire oo xukunka ka hor akhriyey maxkamada ayaa ka hadlay sida ay dacwada ku soo bilaabatay, wuxuuna caddeeeyay in dacwada ay soo gudbisay Wasaarada Warfaafinta.
Garsooraha wuxuu dhinaca kale sheegay in Qareenka u doodayey idaacada Sahan lagu xukumay ganaax lacageed oo gaaraya $100 markii lagu eedeeyay inuu maxkamada dhexdeeda ku adeegsaday hadallo meel ku dhac ku ah xafiiska xeer ilaaliyaha.
Shir jaraa’id oo ay qabteen ururka Saxafiyiinta Puntland eeMAP, Milkiilaha Idaacada Sahan iyo Gudoomiyaha Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland ee madaxa Banaan ayaa dhammaantood soo dhoweeyay xukunka Maxkamadda.
Arrintan ayaa loo arkaa horumar weyn oo dhinaca xoriyadda saxaafadda ah iyadoo maamuladii hore ee Puntland ay si degdeg u xiri jireen idaacadaha isla markaana saxafiyiinta xabsiga loo dhaadhicin jiray iyadoo aanay wax maxkamad ah loo soo marin. Waana markii ugu horeysay oo idaacad hawada ku jirta dacwad lagu qaado iyadoo dacwadu ka timid maamulka halkaas ka jira.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]