Saturday, February 29, 2020
More

    Wasaaradda Warfaafinta: “Saxafiyiin raba inay Yurub galaan ayaa been abuurtay kiisaska..” -Jawaab War-saxaafadeed-

    Qoraal ka soo baxay wasaaradda Wafaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag loogu beeniyay warbixintii ay maanta oo saartay Hay’adda Amnesty International ee ku saabsaneyd xaaladda saxaafadda Soomaaliya iyo tacadiyada lagula kaco.

    Qoraalka ayaa lagu sheegay in warbixinta Amnesty International aanay waxba ka soo qaadin horumarka ay dowladda Federaalka saddexdii sano ee ugu danbeysay ka sameysay dhinaca saxaafadda iyo xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay, iyadoo lagu caddeeyay tallaabooyinkii ay qaaday dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo xiriir la sameeyay hay’adaha saxaafadda adduunka sida IFJ iyo RSF.

    Ad

    “53% kiisaska warbixinta ku jira ma aha kuwa quseeya saxaafadda xorta ah, mana jiraan wax caddeyn ah oo hayo..” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo sidoo kale sheegtay in shaqsiyaadka saxafiyiinta ah ee warbixintaasi ku jira ay been abuureen kiisas ay doonayaan inay megangalyo uga helaan dalalka Yurub, ayna ka war hayaan arrinta saxafiyiinta dalka ka tegay.

    Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in ururka SJS aanu ahayn urur sharci ah oo diiwaan gashan, balse waxa loogu yeeray madaxda ururkaasina ay yihiin kuwa fadhigoodu yahay Kenya iyo Finland, waxayna wasaaraddu ku adkeysatay in warbixinta Amnesty aysan wadan wax caddeyn ah oo dowladda Federaalka lagu eedeyn karo..

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    137,591FansLike
    1,337FollowersFollow
    4,184FollowersFollow
    137,591FansLike
    1,337FollowersFollow
    4,185FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!