Wasaarada Waxbarashada Maamulka Galmudug ayaa xiriirkii u jartay Wasaaradda Waxbarashada ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qoraal uu soo saaray Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada ee Maamulka Galmudug Abshir Cabdi Sheekhow ayaa sheegay qoraalkiisa ku sheegay in Wasaarada Waxbarashada Dowladda Soomaaliya ay iska dhega tirtay cabashooyin badan oo ay u direen.
Wuxuu intaas ku daray in wax dhaqaale ah aanu kasoo gaarin wasaaradda iyadoo imtixaankii maanta bilaabanayo, isla markaana maamul goboleedyo kale si gaara wax loogu qabto.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA