Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ayaa sanadka cusub ee 2023 qaadeysa macalimin gaareysa 3000 oo si toos ah looga shaqaaleyn doono Wasaaradda.
Miisaaniyadda dib loo habeeyay ee Dowladda 2023 ayaa lagu daray Mushaarka Macalimiintan oo lagu xoojin doono Wasaaradda, waxaana War-saxaafadeed kasoo baxay maanta Wasaaradda Waxbarashada lagu soo dhaweeyay tallabaadii Baarlamaanka labadda aqal ee JFS mudnaan gaar ah ku siiyeen Wasaaradda.
Wasiirka Wasarradda Waxbarashadda Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa Xukuumadda iyo Baarlamaanka uga mahadceliyey kordhinta qoondada Wasaaradda ee miisaaniyadda Qaranka iyadoo la hirgelinayo qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda ee ay ka mid tahay qaadashada Saddex kun oo macallin (3,000 Macalin) si kor loogu qaado tayada macallimiinta Soomaaliyeed.
“Wasaaradda ayaa si tartan furan ah u guda-geli doonto qaadashada ama shaqaaleysiinta seddex kun oo macallimiin ah. Qorshahaan lagu qaadanayo macalimiinta waa billoowga barnaamijka Baahinta Waxbarashada, si loo gaaro malaayiinta Soomaaliyeed ee aan wali helin fursadaha waxbarashada.” ” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda.
Yoolka qaadashada macallimiinta cusub, ayaa waxaa qeyb ka ah in mudnaan gaar ah la siiyo gabdhaha Soomaaliyeed ee waxbartay, macallimiinta farsamada, macallimiinta dugsiyada Qur’aanka, dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo dadka ku nool degaannada laga xorreeyey khawaarijta.