Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay inuu jiro heshiis ay dowladda Imaaraadka la gashay dowladihii Soomaaliya.
Wasiirka oo wareysi siiyay warkaalado warar iyo idaacado caalami ah ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo xilliyadii danbe sii xumaaday, wuxuuna wasiirku meesha ka saaray jiritaanka wax heshiis ah oo dowladihii Soomaaliya la gaelen Imaaraadka.
“Maya..ma heyno haddii uu jiri lahaa heshiis xukuumad Soomaaliyeed gashay buuq maba jiree, wayna ixtiraami lahayd dowladda Soomaaliya, imaaraadka nama tusin wax heshiis ah, waxaa la sheegay waa is-afgarad wuxuuna noqon karaa mid afka ku kooban..” ayuu yir Wasiir Cawad oo sheegay inay weli ka sugayaan, balse haddii heshiis noocaasi ah la heli lahaa aysan arrintuba heerkan gaarteen.
DHAGEYSO WASIIRKA