Monday, October 25, 2021

Wasiir Beyle: “580 Milyan oo Doolar ayaan weydiisanay Bankiga Adduunka si aan u kabno…”

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay lacag dhan 580 Milyan oo doolar weydiisatay Bankiga Adduunka.

Wasiirka oo maanta ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku faahfaahiyey deynta ay Soomaaliya ka cafiyeen dalalka Naadiga Paris Club oo gaareysa 1.4 Bilyan Doolar, waxaana uu shaaciyey in guul weyn laga gaaray arrinta deyn cafinta.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay Bankiga Adduunka ka codsadeen lacag dhan 580 Milyan oo Doolar si wax looga qabto xaaladda Coronavirus iyo hoos u dhaca uu ku keeni karo dakhligii dalka soo geli lahaa, isagoo aan sheegin in lacagtaasi tahay deyn cusub ama deeq.

Ad
- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,893FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,893FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!