Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta C/raxmaan Ducaalle Beyle oo Shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay horumarka dhaqaalaha dalka, 0Ddoorashooyinka iyo maamulka dhaqaalaha Xilliga kala-guurka.
“Runtii wixii dalalkii kale ku qaadan jiray 10 iyo 15 sano ayaan ku gaarnay 4 sano.. Ka naxow nafta-waa dhaqaalaha nasoo gelaya macnaheedu waxay tahay in Deyntii nagala cafiyey, waa nagula kalsoonaaday, sidaas darteed aya naloo ogolaaday boqolaal Milyan..” ayuu yiri Wasiirka Beyle oo sheegay in dalku meel wanaagsan marayo.
Soomaaliya ayuu sheegay in lagu kalsoonaaday markii ay fulisay shuruudihii Hay’adda IMF iyo Baanka Adduunka, haddana ay tahay dal wax baraya dalalkii kale. “Waxaan idinku bishaareynayaa inaan nahay Dad adduunka la falgalay oo aduunku ku kalsoonaan karo; waxaan mareynaa heer maanta Soomaaliya la yiraahdo dalalka kale ee haray Soomaaliya ha caawiso..” ayuu yiri Wasiirka.
“Waddamada anaga oo kale ah marka ay doorasho galayaan wax waliba waa laga joojiyaa, laakiin annaga waxaa nagala joojiyey kabkii Miisaaniyadda.. laakiin mashaariicdii waa socotaa..” ayuu yiri Wasiir Maaliyadda oo faahfaahin in Soomaaliya laga hirgelinayo mashaariic waaweyn.
Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay jiritaanka mashruuca horumarinta dhaqaalaha iyo isku xirka wadamada Geeska Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya, kaasi oo ay ku baxayso 15 bilyan oo doolar oo badi loogu talagalay dhismaha waddooyinka.
Wasiir Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, ayaa tilmaamay in ay wasaaradda Maaliyadda diyaarisay Qorshaha sida joogtaa loogu bixinayo mushaaraadka shaqaalaha, ciidanka iyo qarashaadka hey’adaha Dowladda ilaa bartamaha sanadka soo socda 2022.
