Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka daba yimid Warr uu shalay sheegay oo ku saabsanaa in cid waliba ay dalka keeni karto Qaadka.
Wasiir Beyle ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in Qaadka uu ka hadlay uu ahaa oo kaliya kan Hereriga, balse si khalad ah loo fahmay, kaasoo ay ganacsatada Qaadka hore uga cabteen in dad gaara loo xiray oo dowladdu ku naas nuujiso.
“Hadalkeygu wuxuu daba socdaa kii shalay.. waxaan ka hadlay oo aan doonayaa inaan caddeeyo Qaadka Hareriga ee dadka qaarkood ay sheegeen inuu dad gaara u xiran yahay… haddii si khalad ah loo fahmay arrintu Qaadka Hereriga kaliya ayay ku saabsan tahay..” ayuu farriintiisa ku yiri Wasiirka Maaliyadda.
Qaar ka mida Ganacsatada Qaadka ayaa dhowaan cabasho ka keenay in dowladda Soomaaliya ay Qaadka laga keeno dalka Itoobiya u xirtay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir iyo Nin la dhashay Madaxweyne Farmaajo, waxayna soo bandhigeen caddeymo ku saabsan sida loogu dhibaateeyay arrintan.
Dowladda Soomaaliya horaantii sanadkii hore 2020 joojisay Qaadka laga keeno dalka Kenya arrimo la xiriira cudurka COVID-19, laakiin markaas kadib ayaa dalka laga mamnuucay, iyadoo dhinaca kale dano siyaasadeed dartood loo fasaxay Qaadka ka yimaada dalka Itoobiya.