Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo dhoweeyay Warbixinta ay soo saartay Agaasimaha IMF Kristalina Georgieva ee ku saabsan deyn cafinta Soomaaliya. [Akhriso]
Wasiirka oo goor dhoweyd saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Warka kasoo baxay Hay’adda IMF ee ahaa inay heyso Waddadii Soomaaliya Deynta looga Cafinlahaa iyagoo la kaashanaya Beesha Caalamka, wuxuuna intaas raaciyey in IMF ay aad iyo aad ugala shaqeysay dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka.
“Sida warbixinta ku cad, anagana aan wada ogsoonahay, wali dadaalka inta hartay annaga ayay inoo taallaa in aan dhameystirno. Dadyow Soomaaliyeed waxaan idin sheegayaa marka la gaaro bisha labaad ee sanadka soo socda in Deyntii laga cafinayo Soomaaliya…” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.