Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow Cali uu yahay argagxixiso ay caddahay xaqiiqadiisa.
Wasiirka oo ka hadlayey kulanweyn oo magaalada Jabuuti ka socda ayna soo abaabushay hay’adda Heritage ayaa su’aal laga weydiiyey arrinta Mukhtaar Roobow ayaa sheegay inuu yahay Nin Argagixisnimo ku qaatay shahaado.
Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya ayaa ka mida mas’uuliyiinta sida weyn u taageersan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa taageeray xariga ay dowladda Soomaaliya kula kacday Mukhtaar Roobow oo ahaa mas’uul la siiyey shahaadada musharaxnimada doorashada K/Galbeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore u soo dhoweysay Mukhtaar Roobow, iyadoo muddo sanad ah uu gacanteeda ku jiray.