Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Soomaaliya c/raxmaan Ceynte ayaa sheegay in Bankiga dhexe ee Soomaaliya wax badan isku dayay in lacago cusub lasoo daabaco, welina socdo dadaalkaas.
Wasiirka oo TV-ga Universal wareysi siyay ayaa intaas ku daray in marka la damco in lacag la daabaco kuwa ugu horeeya ee ka hor imaanaya ay yihiin Bankiga Aduunka iyo Hay’ada Lacagta IMF oo lacag deyn ah ku leh Soomaaliya.
Wasiir Ceynte wuxuu sheegay in daabacaad lacagt cusub ay keeneyso sicir barar iyo waxyeelo dhaqaalahe.
Lacago hore loo daabacday xiligii dowladii KMG ahayd ee Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan ayaa yaala dalka Suudaan, wuxuuna wasiirku sheegay in lacagtaasi arrimo siyaasadeed iyo xaalado kale oo dhacay loo keeni waayay dalka isagoo aan faahfaahin.
DHAGEYSO WASIIRKA
Goobjooge.com