Sunday, June 22, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda Magaalada Gaalkacyo & Gaas oo ku sii jeeda

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada dhinaceeda Waqooyi ee Puntland ka taliso kadib qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada oo ay ku dhinteen 32 ruux.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa Gaalkacyo ka sheegay in qaraxyadii shalay ujeedkoodu ahaa in lagu dilo wasiiro ka tirsan maamulka Puntland oo ay ka badbaadeen, wuxuuna intaas ku daray in qasaarihii ay rabeen kooxda weerarka qaaday aanu dhicin.

Ciidamo fara badan ayaa la geeyay magaalada, waxaana ka socda howlgallo iyadoo uu saaka gaaray magaaladaasi madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdillaahi Cumar Camey oo kormeer ku tegey goobihii qaraxyada iyo Isbitaalada.

Ad

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo tacsi kasoo diray dalka Itoobiya ayaa la sheegay inuu ku soo wajahan yahay Gaalkacayo, waxaana magaalada laga dareemayaa ciidamo fara badan oo wadooyinka dhooban.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON