Haweeney Ganacsato ah una dhalatay dalka Masar ayaa ka dambeysay in xoolaha Soomaalida laga joojiyo dalka Sacuudiga.
Sida uu sheegay wasiirka xilka sii haya ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Soomaaliya oo sheegay in haweeney Masaari ah ay sababay in Sacuudiga joojiyo Xoolihii ay ka dhoofsan jireen Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Xannaannada Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in go’aanka Sucuudiga ay sabab u ahayd Haweeney Masaari ah oo xoolo ka dhoofsata Soomaaliya,taas oo si khaldan u maareysay xoolo ay ka qaaday Soomaaliya, kadibna ay geysay Sucuudiga.
Wasiirka ayaa sheegay in in Haweeneyda ay Sucuudiga u dhoofisay 2975 Neef oo lo’ ah oo ay ka qaaday Soomaaliya oo qaab khaldan arrintaasi loo maray, wuxuna intaasi ku daray in Lo’dii laga soo celiyay Sacuudiga lagu hayo duleedka magaalada Muqdisho oo ay ku dhibaateysan tahay.
Wasiirka Xannaannada Xoolaha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid Hay’ada sharciga ee dalka ugu baaqay in ay tallaabo ka qaadaan Haweneydaas iyo dadka la midka ah ee sababay in xoolaha Soomaaliya laga joojiyo Sucuudiga.
Wasiirkan ayaa hore u sheegay in xoolaha Soomaalida ay caafimaad qabaan oo ay hubiyeen, waxaana wax lala yaabo ah in mas’uuliyadii isaga saarneyd uu ku eedeeyo dad kale. Waxaa kaloo is weydiin leh sida ay haween Masaari ah Dekadda Muqdisho uga dhoofsatay xoolo iyadoo aanay wasaaradu ogeyn??
Goobjooge.com