Thursday, June 26, 2025

Wasiir C/raxmaan Ceynte oo loo magacaabay xil cusub oo Kumeelgaar ah [Akhriso]

Wasiirkii hore ee Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya  C/raxmaan Yuusuf Ceynte ayaa xil kumeelgaara loo magacaabay.

Mudane Ceynte oo ka mida La-taliyeyaasha aan rasmiga ahayn ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa laga war helay shalay markii uu shaaciyay xilka cusub ee loo magacaabay.

Isagoo saxaafadda la hadlay ayuu Wasiir Ceynte faahfaahin ka bixiyay qaabka shirka London ee arrimaha Soomaaliya u dhacyo iyo arrimaha looga hadlayo, isagoo intaas raaciyay inuu yahay Guddoomiyaha Qabanqaabada shirka London.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu xilkan u magacaabay C/raxmaan Ceynte, waxaana hore loo sheegay in loo magacaabayo safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON