Wasiirkii hore ee Amniga xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa kashifay dhowr qodob oo ku jira qorshaha dhismaha ciidamada Qaran ee Soomaaliya.
Wasiirka oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay inuusan jirin ciidan milateri ah oo maamul Goboleed uu yeelan karo, taasoo kasoo horjeeda Dastuurka, sida uu yiri.
Wuxuu meel ka dhac ku tilmaamay in tiro loo cayimo ciidamada uu dalku yeelanayo, iyo in taliyeyaasha ciidamada lagala tashado maamul Goboleedyada, wuxuuna dowladda Federaalka ugu baaqay inay ka fiirsato arrimahaasi marka ay shirka London la tagto qorshaha.
DHAGEYSO WASIIRKII HORE EE AMNIGA
Goobjooge.com