Mid ka mida wasiirada ugu muhiimsan dowladii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib markii uu dhowr bilood dibad joog ahaa.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar ayaa muddo badan 9 bilood ah xarun ka dhigtay magaalada Nairobi, waxaana la sheegay inay ugu danbeysay Muqdisho ku dhowaad 4 bilood ka hor.
Wasiirkan ayaa hadda u yimid caleemo saarka madaxweynaha cusub, wuxuuna Soomaaliya u metelayay dhammaan shirarkii caalamiga ahaa waqtigii kala guurka, isagoo ka faa’iideysay xaaladda sharci ee dowladda Soomaaliya ku jirtay.
Shirarka caalamiga ah ee uu Soomaaliya u metelay waxaa ka mid ahaa shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Oktoobar sanadkii hore ka dhacay magaalada New York.
Wasiir Hadliye oo saaxiib la ahaa madaxweynihii hore ayaa xilkan loo dhiibay markii uu wadi waayay mas’uuliyadda Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Goobjooge.com