Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilka sii heysa Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa eedeyn kulul u jeediyey dowladda Imaaaraadka Carabta oo uu sheegay inay rabto inay Soomaaliya burburto.
Wasiir Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa hadal dheer oo uu jeediyey ku sheegay Imaaraadka inay faragelin joogto ah ku heyso arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay dalkaasi aadeen madaxda dowlad Goboleedyada dalka ee diidan doorashada sida uu yiri.
Imaaraadka ayuu sheegay inay Soomaaliya la rabaan inay la mid noqoto dalalka Yeman iyo Liibiya, wuxuuna ka dalbaday inuu cudurdaar ka bixiyo qoraalka ay kasoo saartay xaaladda Soomaaliya oo ay ku sheegtay inuu dagaal ka socdo Muqdisho iyo inaysan dowlad ka jirin Soomaaliya sida uu yiri.
“Qoraalka ka soo baxay Imaaraadka waxaa uu cadeynayaa in saraakiisha Arrimaha dibadda imaraadka ay qeyb ka ahaayeen dibindaabyada sanadihii la soo dhaafay lagu haayay Soomaaliya, taas oo sicad uga hor-imaaneysa qeynuunka Caalamiga ah, waxaan waqtiga loo baahdo iyada oo cadeymaheeda wadata soo bandhigi doona hay’adaha quseyso” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u cadayneynaa in hadalka shalay Imaaraadku soo saaray uu yahay mid qaranimada iyo jiritaanka dalka baabi’inaya. Waxaana muhiim ah dadka soomaaliyeed iney fahmaan waxa lala damacsanyahay oo ah in dagaal sokeeye ka dhaco dalka si loo xalaalaysto dhulkooda iyo baddooda oo haddaba muran la geliyey” -Wasiir Dubbe-
Imaaraadka ayaa shalay soo saaray war saxaafadeed uu kaga hadlay gacan ka hadalkii Jimcihii ka dhacay Muqdishu, waxaana uu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladda sii xumaanaysa ee Soomaaliya, qalaasaha socda yo isticmaalka awoodda xad-dhaafka ah, sida lagu sheegay qoraalkaasi. Imaaraadka ayaa sidoo kale ku tilmaamay dawladda Soomaaliya mid “ku meelgaar ah” sida ku qornayd warqaddaas. (Halkan ka akhriso)
Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xalay qoraal ay soo saartay u mahad celisay dalalka u badan Carabta ee welwelka ka muujiyey shaqaaqooyinkii ka dhacay Muqdisho, waxayna eedeyn u jeedisay xoogag dibadeed aysan magacaabin oo dhibaato ku ah doorashada Soomaaliya, iyadoo aan lagu soo hadal qaadin Imaaraadka Carabta.
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa looga hadlay xaaladda doorashada dalka iyo inay hortaagan yihiin laba ka mida madaxda maamul Goboleedyada dalka; balse dowladu diyaar u tahay in la qabto.
Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in shaqadii loogu talogalay Wasaaradda Arrimaha dibadda ay qabaneyso Wasaaradda Warfaafinta, halka shaqadii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay la wareegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
AKHRISO QORAALKA WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA