Saturday, April 20, 2024

Wasiir Fiqi oo Guddoomiye iyo agaasimeyaal u magacaabay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa mar kale dib loo howlgeliyay, kadib muddo 5 sano ah oo ay howlgab ahayd dowladii hore ee Farmaajo, xilkeedna ay la wareegay Wasaaradii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa soo magacaabay shan xubnood oo maamulaya Hay’addan, isagoo xalay ka ansixiyey Golaha Wasiiradda si ay u howlgaliyaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SODMA.

Magacyada xubnaha Hay’adda maamulaya ayaa kala ah:

Ad

1- Maxamuud Macalin C/llaahi – Guddoomiye
2- Axmed Cabdi Aden
3- Cabdirashiid Maxamuud Xasan
4- Luul Calow Axmed
5- Cabdiriasaaq Axmed

Hay’addan waxaa lagu dhisay Sharci 17 oo la ansixiyey 2016, iyadoo ka timid xukuumadii Cabdiweli Gaas markii ugu horeysayna uu guddoomiye ka noqday C/llaahi Maxamed Shirwac, waxaa Baarlamaanka Federaalka dib ugu celiyey Golaha Wasiirada xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon.

Hya’addan waxaa hore madax uga ahaa Cabdulaahi Maxamed Jimcaale oo hore xukuumaddii Kheyre ku eedeeyay inay wasaarad sharci darro ah ku wareejiyey Hay’addan iyo Miisaaniyadeedii.

- Advertisement -

Magacaabidda xubnaha Hay’adda oo ka kooban Guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo saddex agaasime ayaa u baahan inuu Madaxweynaha Soomaaliya kusoo saaro Wareegto, sida uu dhigayo sharciga lagu dhisay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON