Wednesday, June 25, 2025

Wasiir Goodax: “Macalimiinta dhigta Dugsiyada Hoose/Dhexe waxaa soo baxday in 22% kaliya ay Macalimiin noqon karaan”

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in sanadkan Dugsiyada Waxbarashada Dalka ee H/Dhexe ay dhaqan gelin doonaan Manhajka mideysan ee Waxbarashada oo gaaraya fasalka 1aad ilaa 8aad ee Dugsiyada Hoose iyo Dhexe  ee Dalka.

Wuxuu sheegay dugsigii dhaqan gelin waaya ee dhigi waaya Manhajka cusub ee dalka la xiri doono, isagoo uga digay inay Dugsiyada isticmaalaan Manhajkaasi, isagoo ugu goodiyey in dugsiyada ka hor yimaada Manhajkan aysan istaahilin in arday Soomaaliyeed lagu aamino.

Wasiirka Goodax ayaa sheegay in imtixaan laga qaaday macalimiinta Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dalka oo aan magac lagu qorin ay soo baxday in 22% kaliya ay macalimiin noqon karaan, halka macalimiinta dhigta Dugsiyada sare imtixaankii laga qaaday ay ku dhowaad 30% oo kaliya mudan yihiin inay macalimiin noqdaan.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somalia ayaa dadaal ugu jirta in Manhaj mideysan ay ku dhaqmaan Dugsiyada dalka ka jira, gaar ahaan bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan tobanaan Dallado Waxbarasho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON