Wasiirkii hore ee Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ceynte ayaa cambaareyn u jeediyay labada aqal ee Baarlamaanka Federaaka.
Wasiirka oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in guddiga dib u eegista Dastuurka ee ay soo doorteen labada aqal aanay ku jirin qof haween ah.
Farriin uu soo diray ayuu wasiir Ceynte arrintan ku baahiyay taasoo keentay in kiciso wakiilada beesha caalamka iyo haweenka siyaasiyiinta ah. Beesha caalamka ayaa ka danbeysay in xildhibaano badan oo haween ah ay soo galaan labada aqal ee Baarlamaanka.
Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee laga soo doortay laba aqal ayaa ka kooban 10 xubnood oo aqal waliba ay ka socoto shan xubnood, waxayna kala yihiin:
AQALKA SARE
1- Senator Abdi Xasan Cawaale Qeybdiid
2- Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole
3 -Xuseen Sheekh Maxamuud
4- Iftiin Xasan Baasto
5-Maxamuud Faarax.
GOLAHA SHACABKA
1- Axmed Mayow Cabdulle
2- Xildhibaan Burhaan Aden Cumar
3- Cabdirashid Maxamud Xasan
4- Cusmaan Xaaji Cali Nuur
5- Maxamed Cabdullahi Kaamil
Goobjooge.com