Tuesday, June 24, 2025

Wasiir hore oo taageeray Bandhig Faneedyada oo cambaareyn u jeediyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta [Akhriso]

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo hore u soo noqday wasiirka Amniga dowladii hore ayaa si buuxda u taageeray bandhig faneedyada lagu qabto hoteelada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay Wasaaradda diinta xukuumadda Soomaaliya aanay weligeed soo saarin qorshe looga hortago fikradaha Alshabaab iyo argagixisada, laakiin taas bedelkeed ay u digto hoteelada shacabka madadaaliya.

“Weli ma arag Wasaaradda Arrmaha diibta oo soo jeedineysa qorshe looga hortago fikradha argagixisada Alshabaab, laakiin waxay soo saartaa digniin ku socota hoteelada Muqdisho ee shacabka u sameeya madadaallada.” ayuu yiri Xldhibaan C/risaaq Cumar.

Arrintan ayaa ka danbeysay dood baraha bulshada ka socota oo Soomaalida qaarkeed ay ka hor yimaadeen digniintii laga soo saaray bandhig faneedyo aan anshax lahayn oo lagu qabanayo Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON