Tuesday, June 24, 2025

Wasiir hore & Xildhibaanno ka degay Baydhaba oo Sharci-darro ku tilmaamay Doorashadii Lafta-gareen [Akhriso]

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay inay halkaasi gaareen xildhibaanno iyo wasiir dhowaan iska casilay xukuumadda Soomaaliya, iyagoo ka hor yimid doorashadii ka dhacay magaalada Baydhaba.

Wasiirkii hore ee Howlaha guud ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka C/fataax Ibrahin Geesey, Xildhibaad Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Xildhibaan Maxamed Xuseen Fanax oo maanta gaaray magaalada Baydbaba ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen uga hadlay xaaladda maamulka K/Galbeed iyo doorashadii dhowaan ka dhacday halkaasi ee uu ku soo baxay musharixii ay wadatay dowladda Somalia ee C/casiis Lafta-gareen.

Xldhibaannadan ayaa ku dhawaaqay  in doorashaddii magaalada Baydhaba ka dhacday ay aheyd mid xaaran ah oo  dowladda Soomaaliya ay geysatey qof ay iyadu wadatay, balse aan ku imaan rabitaanka dadka K/Galbeed.

Wasiirkii hore Xildhibaan C/fataax Geeseey ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu diiday Dastuurka iyo Diintii, awoodna ku doonayo inuu wax ku qabsado. Wuxuuna intaas ku daray in dowladda Federaalka aysan kala hadlin  xildhibaanadda ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku metela, Baarlamaanka Somalia, isla markaana ay denbiyo waaweyn ka geystay magaalada Baydhaba wixii dhacayna la weydiinayo adduun iyo Aakhiro Farmaajo.

Arrintan ayaa u muuqata in mar kale olole ay wadaan xildhibaannada kasoo jeeda K/Galbeed, waxaana xaalada sii kicinaya muranka ka dhashay qoraalkii wakiilka Q/Midoobay Nicholas Haysom u qoray Dowladda Somalia.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON