Wednesday, June 25, 2025

Wasiir Imaaraad ah oo weerarray ciidamada Turkiga ee jooga dalka Qatar iyo Jawaab culus oo loo diray

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Imaaraadka Anwar Qarqaash ayaa weerar afka ah ku qaaday ciidamada Turkiaga ee jooga dalka Qatar, isagoo ku tilmaamay inay qeyb ka yihiin xasilooni darrada gobolka Khaliijka.

“Jiritaanka saldhigga Turkiga ee Gacanka Carbeed waa xaalad deg deg ah.. Waxa uu xoojinayaa kala qeybsanaanta, mana ixtiraamayo madax-banaanida dalalka gobolka, danaha dalalka Khaliijka iyo shacabkooda,” ayuu yiri Anwar Gargash oo ah wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Imaaraadka oo qoraal soo dhigay Twitter-ka.

Arrintan ayaa ka danbeysay booqasho uu Madaxweynaha Turkiga dhowaan ku tegay dalka Qatar, isagoo farriin adag u diray Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxaana hadalka kasoo yeeray Wasiiru dowlaha Imaaraadka ka jawaabay madaxa Warfaafinta Wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar Axmed Bin Scaiiid Ar-rumeyxi oo sheegay inuusan Qarqaash gaarin ka hadalka arrintan.

“Qarqaash kama hadli karo ehelna uma aha xasiloonida Khaliijka, waana aalad loo adeegsado xasilooni darrada..” ayuu yiri madaxa Warfaafinta Wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar oo su’aal ka keenay in shacabka Imaaraadka laga la tashaday tallaabooyika ay qaadaan dhowrka shaqsi ee Imaaraadka ka taliya.

Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo xulufo Carbeed ayaa go’doon geliyey dalka Qatar bartamihii 2017, iyadoo ka xiray dhulka iyo Badda iyo Cirka. Turkiga oo usoo gurmaday aya Dalka Qatar geeyay ilaa 5000 askari.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON