Wasiiru dowlihii Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Xiriirka Warshadaha dalka Uganda Charles Okello Engola ayaa saaka toogasho lagu dilay Gurigiisa oo ku yaalla duleedka magaalada Kampala.
Dilka Wasiirka ayaa waxaa fuliyay Askari ilaalo u ahaa, wuxuuna falkan ka dhacay Guriga Wasiirka oo ku yaalla magaalada Kyanja ee duleedka caasimadda Kampala.
Afhayeenka booliska magaalada Kampala, Luke Owoyesigire ayaa xaqiijiyay dhacdada dilka oo si weyn looga hadal hayo dalka Uganda, waxaana ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Uganda Anita Mid.
“Saaka, waxaa i soo gaaray war murugo leh oo sheegaya in Mudane Engola uu toogtay askri ilaaladiisa ahaa, kaasoo kadibna uu is dilay. Taasi waxay ahayd qorshaha Ilaahay. Waxba kama beddeli karno” ayay tiri guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda.
Goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay ayaa waxaa xiray ciidamada ammaanka. Meydka wasiirka iyo askariga ayaa wali yaala goobtii falku ka dhacay, waxaana goobta gaaray saraakiil, ciidamo iyo wasiiro ka tirsan dowladda Uganda.
Dad gooboog ah ayey Warbaahinta Uganda kasoo xigatay in askariga ilaalada ah uu wasiirka u dilay lacago uu ku lahaa oo aan lasiin, kuwaasoo dhowr bilood is gaaray, kuna dowaa 4 Milyan oo Shilinka Uganda ah.
“Askariga wasiirka dilay oo isna is dilay ayaa laga soo xigtay: “Inaan la siinin 4 Milyan oo Shilin, wuxuu sheegay in uu qabo haweeney uur leh, caruurtiisana aysan aadi karin iskuulka, halka Caruurta wasiirka ay Iskuul u dhigtaan” .
