Dabley hubeysan ayaa saaka weerar ku qaaday Kolonyo uu la socday Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee dalka Uganda Gen. Katuma Wamala.
Jeneraalka ayaa la sheegay inay weerarreen afar dabley ah oo watay Mootooyin Dhuddhugley ah, kuwaasoo rasaas ku furay gaarigii uu la socday xilli uu ku socday magaalada Kisasi, isagoo ka yimid gurigiisa oo ku yaala Najjera.
Wasiir Gen. Katuma Wamala ayaa dhaawac kasoo gaaray weerarka, iyadoo la arkayey dhiig badan jirkiisa qooyey, waxaana loola cararray isbitaalka MALCOM Clinic ee ku yaalla Kisaasi. Waxaa weerarka lagu dilay gabar uu dhalay iyo darawalkiisa , waxaana goobta ka baxsaday dableydii weerarka ka danbeysay ee dooneysay inay khaarijiyaan.
Jeneraalka ayaa ka mid ahaa ciidamada Uganda UPDF, wuxuuna ka howlgalay AMISOM, isagoo madax ka noqday ciidamada Uganda ee ka mida AMISOM.

Gen. Katumba Wamala